Xasan Cali Kheyre oo sagootiyay Abiy Ahmed+sawiro

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ka sagootiyay Wafdiga uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo maanta booqasha rasmi ah ku yimid dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo booqashadiisa Soomaaliya aheyd hal maalin ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyagoo si weyn uga hadlay xoojinta xiriirka ka dhexeeya labada dal,iskaashiga Ammaanka,dhaqaalaha iyo ladagalanka argagixisada.

Booqashada Ra’iisul wasaaraha Dalka Itoobiya ayaa muujinaysa dadaalka ay dowladda Soomaaliya ugu jirto xoojinta xiriirka dhinaca diblomaasiyadeed ee kala dhexeeya dowladaha caalamka.