Xasan Cali Kkeyre oo kuwajahan Dalka Sudaan

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminaayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa goor dhow u ambabaxay Magaalada Khartuum ee dalka Suudaan.

Waxaa uu ka qeybgali doonaa shirkii nabadeynta Koonfurta Suudaan iyo qeybsiga Khayraadka labada Suudaan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka baaqsaday ka qeyb galka Shirkaasi, waxaana uu u diray Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Dowladda Suudaan ayaa casumaad u soo dirtay Madaxweyne Farmaajo Todobaadkii hore.