Xasan Macalin oo ka qayb galay Kulan looga hadlayay Arimaha Dastuurka..

Kulanka uu Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee JFS, Mudane Xasan Macalin, ka qeybgalay wuxuu diiradda saaray arrimaha la xiriira dib u eegista dastuurka.

Kulankaan ayaa ka dhacay Xafiiska Dadwaynaha ee Xildhibaan Guuleed Biixi, waxaana kasoo qeybgalay xildhibaano ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya (BJFS) iyo aqoonyahano kale oo xiisaynaya arrimaha dastuurka.

Markii Wasiirka Cadaaladda uu soo gaaray xafiiska, waxaa si diiran u soo dhaweeyay Xildhibaan Guuleed Biixi, ka dibna Wasiir Xasan Macalin ayaa warbixin ka bixiyay halka uu marayo dib u eegista dastuurka. Wuxuu sharaxaad ka bixiyay dadaallada socda, caqabadaha la kulmay iyo xilliga la filayo in la dhammeystiro howlaha dib u eegista.

Intaa ka dib, Wasiirka ayaa ka jawaabay su’aalo ay weydiiyeen xildhibaanadii iyo aqoonyahannadii kulanka joogay, kuwaas oo la xiriiray horumarka laga sameeyay, doorka Baarlamaanka iyo doorkii ay bulshada Soomaaliyeed ku yeelan karaan geeddi-socodka dib u habeynta dastuurka.

Kulanka ayaa kusoo dhammaaday isfaham iyo wadatashi, iyadoo la isku raacay in wadahadalka iyo talo-wadaagga lagu sii wado sidii loo heli lahaa dastuur dhameystiran oo ay si wadajir ah u ansixiyaan shacabka iyo hay’adaha dowliga ah.