Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in difaaca dalka uusan ku koobnayn oo keliya awoodda ciidan, hubka iyo dagaalka tooska ah, balse uu yahay mid dhinacyo badan leh oo u baahan iskaashi iyo dadaal ay ka wada qeyb qaataan dhammaan qaybaha bulshada Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa xusay in difaaca qaranku uu ka bilaabmo adkaynta dhaqaalaha dalka, sugidda amniga gudaha, hirgelinta siyaasad suubban iyo dhisidda bulsho leh wacyi, hanuun iyo toosnaan.
“Difaacu ma aha oo kaliya xabbad iyo madfac la tuuro; difaacu waa dhaqaale, difaacu waa amniga gudaha, difaacu waa siyaasad suubban, difaacu waa dad hanuunsan oo toosan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Hadalkan ayaa muujinaya muhiimadda ay leedahay in difaaca iyo ilaalinta qarannimada Soomaaliya loo arko masuuliyad guud oo aan ku koobnayn ciidamada qalabka sida, balse ay qeyb ka yihiin dowladnimada, dhaqaalaha, siyaasadda iyo wacyiga bulshada.