Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed oo kulan muhiim ah ku yeeshay dalka Turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed muhiim ah kula yeeshay magaalada Antalya ee dalka Turkiga Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Mudane Abiy Axmed, oo ay labaduba ka qaybgalayaan Shirka Qaramada Midoobay ee Isbeddelka Cimilada (COP31).

Kulanka labada hoggaamiye ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga laba-geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo sidoo kale si gaar ah looga hadlay xaaladda amniga gobolka iyo arrimaha saameynta ku leh xasilloonida Geeska Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa is-weydaarsaday aragtiyo ku saabsan muhiimadda ay leedahay sii ambaqaadidda dadaallada lagu xoojinayo wada-shaqeynta labada dal, gaar ahaan dhinacyada nabadda, amniga, horumarka iyo xasilloonida gobolka.

Labada dhinac ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo dadaallada diblomaasiyadeed iyo wada-hadallada joogtada ah, si loo horumariyo xiriirka labada dal, loona helo iskaashi wax ku ool ah oo wax ka tari kara caqabadaha amni iyo kuwa horumarineed ee gobolka ka jira.

Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli labada dal ay muhiimad gaar ah siinayaan arrimaha amniga iyo iskaashiga gobolka, iyadoo kulamada noocan oo kale ah ay fursad u yihiin madaxda dalalka inay ka wada hadlaan arrimaha maslaxadda guud iyo sidii loo xoojin lahaa nabadda iyo wada-noolaanshaha dalalka Geeska Afrika.