Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, Mudane Cabdulfataax Al-Sisi, intii uu socday Shir Madaxeedka Madasha Ganacsiga Afrika ee ka socda magaalada cusub ee Al-Calamayn ee dalka Masar.
Kulanka labada Madaxweyne ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Masar, iyadoo si gaar ah looga hadlay sidii loo sii horumarin lahaa iskaashiga labada dal ee dhinacyada dhaqaalaha, maalgashiga iyo horumarinta.
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Al-Sisi ayaa sidoo kale ka wada hadlay fursadaha jira ee lagu ballaarin karo iskaashiga dhaqaale, gaar ahaan dhiirrigelinta maalgashiga iyo ka faa’iideysiga fursadaha ganacsi ee labada dal.
Labada Madaxweyne ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo xiriirka laba geesoodka ah, iyadoo la horumarinayo mashaariic iyo iskaashi wax-ku-ool ah oo ka qeyb qaadan kara kobcinta dhaqaalaha iyo horumarka Soomaaliya iyo Masar.
Kulanka ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa kulamada uu Madaxweyne Xasan Sheekh la yeelanayo madaxda iyo mas’uuliyiinta ka qeybgalaya shir madaxeedka ka socda Al-Calamayn, kaas oo diiradda lagu saarayo horumarinta ganacsiga iyo iskaashiga dhaqaale ee qaaradda Afrika.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeybgalaya shirka isagoo Soomaaliya ku matalaya dadaallada lagu xoojinayo xiriirka dhaqaale iyo ganacsi ee ay la leedahay dalalka Afrika iyo saaxiibbada caalamka.
Masar ayaa kamid ah dalalka xiriirka dhow la leh Soomaaliya, iyadoo labada dhinac ay muddo dheer lahaayeen iskaashi dhinacyo badan leh oo ay kamid yihiin waxbarashada, dhaqaalaha, amniga iyo arrimaha diblomaasiyadda.