Xasan Sheekh Maxamuud Oo Utacsiyeeyay Dadkii ku waxyeelobay Qarixii Kismaanyo

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray dadkii Shacabka ahaa ee lagu laayay weerarkii magaalada Kismaayo iyo Qaraxii lagu qaaday Hoteelka Cascasey.

War kasoo baxay Madaxweynihii hore ee dalka ayaa loogu baaqay Shacabka Soomaaliyeed Midnimo iyo ka hortaggidda Weeraradda Al-Shabaab.

Warka kasoo baxay Xasan Sheekh Maxamuud ayaa siddan u qornaa:

Anigoo aad uga murugeysan dhibaatadii xanuunka badneyd ee xalay ka dha magaalada Kismaayo ee ay argagaxisadu ku laayeen dad Soomaaliyeed oo waxgalka u ahaa bulshadeena ayaa waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhamaan ehelada dadkii ku geeriyooday weerarkaasi, kuwii ku dhaawacmayna waxaan ilaahay uga baryayaa in uu caafimaad deg deg ah siiyo.

In kooxahan argagaxisada ah ay meel weliba oo dalka ka mid ah ku beegsadaan, kuna laayaan shacabka Soomaaliyeed waxa ay muujineysaa in ay cadow ku yihiin jiritaanka umaddeena oo dil, dhaawac iyo burburinba ay la daba joogaan.

Shacabka Soomaaliyeed meel weliba oo ay joogaan waxaan ugu baaqayaa in loo midoobo oo meel looga soo wada jeesto dagaalka kooxahan nabaddiidka ah ee mar weliba ku faana laynta dadkeena waxgalka ah.

Wax ay inoo reebanayaan oo nagu khasbaya in aan indhaha ka fiirsano ma jirto waa dagaal qof kaliya ama dowlad lagu haleynayo uusan jirin ee loo baahan yahay in aan u istaano, una midowno cadowgan nabadda inoo diidan ee har iyo habeen dilka, dhaawaca iyo burburkaba nala dul jooga.

Soomaaliya ha guuleysato cadowgeeda gudaha iyo dibaddana haka guuleysato.