Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xalay ka qeybgalay munaasabad casho sharaf ah oo lagu maamuusay madaxda dowladda Federaalka, hoggaamiyeyaasha maamul-goboleedyada, mas’uuliyiinta kala duwan iyo marti-sharaftii ka soo qeybgalay munaasabadda caleema-saarka Hoggaanka cusub ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, taas oo lagu qabtay magaalada Jowhar ee xarunta maamulka.
Munaasabadda casho sharafta ah ayaa qeyb ka ahayd barnaamijyada lagu maamuusayay hoggaanka cusub ee Hirshabeelle, kaddib markii magaalada Jowhar lagu qabtay munaasabadda caleema-saarka Hoggaamiyaha dib loo doortay ee maamulka, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe), Hoggaamiye Ku-xigeenka Mudane Cabdifitaax Xasan Afrax iyo Guddoonka Golaha Wakiillada.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hadal ka jeediyay munaasabadda ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay xoojinta midnimada, wadajirka iyo iskaashiga u dhexeeya hay’adaha kala duwan ee dowladda, isaga oo sheegay in wada-shaqeynta heerarka kala duwan ee dowladnimadu ay muhiim u tahay horumarka iyo xasilloonida dalka.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in dowlad-dhiska Soomaaliya uu u baahan yahay isku duubni, is-afgarad siyaasadeed iyo wada-shaqeyn joogto ah oo dhex marta dowladda Federaalka iyo maamul-goboleedyada, si loo dardargeliyo qorshayaasha horumarineed ee dalka.
Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo dadaallada lagu sugayo amniga, lana abuuro jawi siyaasadeed oo horseeda wadajir iyo iskaashi, taas oo qeyb ka qaadan karta hirgelinta qorshayaasha dowladda ee la xiriira amniga, adeegyada bulshada iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.
Caleema-saarka Hoggaanka cusub ee Hirshabeelle ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin heer federaal iyo heer maamul-goboleed ah, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, hoggaamiyeyaasha maamul-goboleedyada, wasiirro, xildhibaanno, siyaasiyiin, odayaal dhaqameed iyo marti sharaf kale.
Munaasabadda casho sharafta ah ayaa sidoo kale fursad u ahayd madaxda iyo mas’uuliyiinta ka kala socday heerarka kala duwan ee dowladda inay kulmaan, isla markaana adkeeyaan xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya hay’adaha dowliga ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa munaasabadaha la xiriira caleema-saarka Hoggaanka Hirshabeelle ku muujiyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta midnimada bulshada, xoojinta wadajirka iyo iskaashiga siyaasadeed, si loo sii ambaqaado dowlad-dhiska iyo horumarka guud ee Soomaaliya.