Xasan Sheekh oo ku dhawaaqay in caasimadda Hirshabeelle la siinayo reer Hiiraan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta magaalada Jowhar kaga qeybgalay munaasabadda caleema-saarka Hoggaamiyaha dib loo doortay ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe), Hoggaamiye Ku-xigeenka, Mudane Cabdifitaax Xasan Afrax, iyo Guddoonka Golaha Wakiillada maamulka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa ku dhawaaqay in caasimadda Dowlad Goboleedka Hirshabeelle la siinayo reer Hiiraan, taas oo uu ku sheegay inay qayb ka tahay dadaallada lagu xallinayo tabashooyinka siyaasadeed ee ay qabaan bulshada gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in arrintan loo mari doono habraacyada lagama maarmaanka ah iyo nidaamka dowliga ah, isaga oo bulshada reer Hiiraan ugu baaqay inay soo bandhigaan magaalo ku habboon in ay noqoto caasimadda maamulka, isla markaana leh awood ay ku martigeliso madaxda iyo bulshada ku dhaqan deegaannada Hirshabeelle.

“Walaalaha reer Hiiraan ee tabashada qaba waxaan leeyahay, caasimaddii waa la idiin siiyay, iyadoo dhammaystirka arrintaas loo mari doono habraacyada dowliga ah, waxaana muhiim ah in aad soo bandhigtaan magaalo-madax u qalanta caasimad, isla markaana ay si wadajir ah ugu wada noolaan karaan madaxda iyo dhammaan bulshada deggan maamulka,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale hambalyo u diray hoggaanka cusub ee dib loo doortay ee Hirshabeelle, isaga oo ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta midnimada, wadajirka iyo isku duubnida bulshada ku dhaqan maamulka.

Madaxweynaha ayaa xusay in xal u helidda tabashooyinka jira iyo xoojinta wadajirka bulshada ay muhiim u yihiin horumarinta dowladnimada, xasilloonida siyaasadeed iyo hirgelinta qorshayaasha horumarineed ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.