Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in uu kulan gaar ah ka codsanayo Labada Gole ee Baarlamaanka 11aad si uu ula wadaago waxbaayo muhiim ah balse uusan tilmaamin.
Waxa uu kusii afeeftay in uusan weligii ku hungoobin codsi uu u diray Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya sidoo kale haatan uu ka rejaynayo in aanay dhicin wax ka duwan waxyaabihii hore.
Arrinta Dowlad-Goboleedyada mar uu ka hadlay waxa uu sheegay in si guud ay u wada shaqeeyeen, kuwa maqan ayuu tilmaamay in maalmo badan uu la joogay waxna ka aqbalay, waxa uu tilmaamay in ay la hadli doonnaan.
Waxa uu sheegay in ay diyaar u yihiin la hadalka Madaxda Dowlad-Goboleedayda ee ka maqan shirka Golaha Wadatashiga Qaranka si xal waara looga gaaro, waxaana uu shaaciyay in aanay jirin wax dhib ah ama colaad ah oo dhankooda ka jira.
“Madaxweyneyaasha Dowlad-Goboleedyada dhammaantood waan u wada mahadcelinayaa, kuwa maanta naga maqan maalmo badan ayuu nala joogay oo wax badan ayuu nala ansixiyay nala meel-mariyay, Walaalaheen waan la hadleynaa, haddii ay naga ogolaadaan in aan u tagno waan u safreynaa oo waan u tageynaa, haddii ay naga ogolaadaan in ay noo yimaadaana waan baryeenaa in ay inoo yimaadaan, Dhib & Colaad wax halkaas ka jira malahan, iyagana waa Mas’uuliyiin ah oo sharaf & karaamo leh waaye” Dr Xasan Sheekh Maxamuud.