Xasan Sheekh oo Xarigga ka Jaray Xarun Muhiim ah.

Madaxweymaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta xarigga ka jaray xarunta Kaydka Gaaska cuntada Soomaaliya ee Benaadir.

Xaruntaan ayaa la sheegay inay ka qayb qaadanayso qorshaha looga hortagayo xaalufinta dhirta iyo nabaad-guurka deegaanka.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay mas’uuliyiinta Shirkadda iyo Ganacsatada Soomaaliyeed sida ay dowladda uga gacan siinayeen qorshaha ilaalinta deegaanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ganacsatada ka dalbaday in la raqiisiyo qiimaha Gaaska, si qoys walba u awoodo iibsashadiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku adkeeyey Ganacsatada Soomaaliyeed in ay awooddooda dhaqaale uga faa’iideyaan shacabka, isla markaana ay maalgashadaan kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in gobolada dalka ayaa dalbaday in fursadaha horumarka la wada gaarsiiyo guud ahaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.