Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynihii hore, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku kulmay Magaalada Doha ee Dalka Qatar.
Intii kulanku socday, labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee dalka Soomaaliya iyo caqabadaha hortaagan. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu carabka ku adkeeyay guulaha muhiimka ah ee dowladdiisu gaartay, gaar ahaan dagaalka lagula jiro Kooxda AS, Guulaha laga gaaray barnaamijyada deyn cafinta iyo qaadista cunaqabateynta hubka.
Waxa uu sidoo kale Bogaadiyay sida ay dadka Soomaaliyeed, oo ay ku jiraan masuuliyiinta iyo madaxdii hore, isugu duuban yihiin difaaca madaxbannaanida, midnimada, iyo wadajirka Soomaaliya,
Kulankan labada Madaxweyne ayaa muujinaya sida ay madaxda Soomaaliyeed uga go’an tahay inay ka wada shaqeeyaan horumarinta iyo xasiloonida dalka Soomaaliya.