Xasan Sheikh iyo Muuse Biixi oo Ku Kulmey Jabuuti…

Madaxweynaha dalka Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta hal goob isugu keenay madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Somaliland oo maanta gaaray dalkaasi, wuxuuna noqonayaa kulankii labaad oo ay yeeshaan Xasan Sheekh Maxamuud iyo Muuse Biixi Cabdi.

Labada madaxweyne ayaa yeeshay kulan xasaasi ah oo uu goobjoog ahaa madaxweynaha dalka Jabuuti, kaas oo ahaa mid hordhac ah, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa dib usii amba qaadida wada-hadallada Dowladd Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland oo muddo dheer hakad ku jiray.

Dhanka Wafdiga Somaliland waxaa horkacaya Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxaana qayb ka ah wasiirrada wasaaradaha horumarinta Maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire, Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), Arrimaha Gudaha,  Mudane Maxamed Kaahin Axmed,  Waxbarashada iyo Sayniska, Mudane Axmed Aadan Buuxane iyo Ergeyga gaarka ah ee Somaliland u qaabilsan wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya Marwo Edna Aadan Ismaaciil oo iyadu dalka Jabuuti kaga sii horraysa wefdiga Madaxweynaha.

Xiriirinta kulankan iyo qaban qaabadiisa waxaa lahaa madaxweyne Geelle oo labada nin la’ah saaxib, lana leh xiriir wanaagsan, sidoo kalena hadda ah Guddoomiyaha Urur Goboleedka IGAD.