Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa magaalada Kigali ee Caasimadda dalka Rwanda kulan kula yeeshay dhigiisa dalkaa Paul Kigame.
Labada Madaxaweyne ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iskaashi ee ka dhaxeeya dalalka Rwanda iyo Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka Rwanda u tagey ka qeybka caleema saarka madaxweynaha wadankaasi oo shalay qabsoomay.
Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey shacabka iyo dowladda Rwanda sida ay uga soo kabteen dagaalladii sokeeyee iyo qaran jabkii ku yimid dalkooda.