Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Ayaa Maanta Markale dib ugu Laabtay Furimaha Dagaalka.
Madaxweynaha iyo Saraakiil Ciidamada Xooga Dalka ah oo Wehlinaysay Ayaa Dhawaan gaaray Deegaanka Wargaadhi ee Gobolka Shaballala dhexe.
Xasan ayaa furinta dagaalka u tegay dardar-galinta howl-gallada dib u xoreynta dalka, isaggoo halkaasi ugu safray diyaarad ay leeyihiin ciidamada xoogga dalka, taas oo dhawaan lagu soo bandhigay dabaal-deggii xuska 1-da Luulyo.
Wejiga koowaad ee dagaalka ayaa markii uu bilowday laga gaaray guullo wax ku ool ah, ayada oo ciidanka dowladda iyo shacabka hubeysan ay dagaal adag la galeen kooxda, iyaga oo ka xoreeyay deegaan iyo degmooyin muhiim ah.



