Xasan sheikh oo ka hadlay safarkisii eletarya,

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kusoo laabtay magaalada Muqdisho, kadib booqasho laba maalmood qaadatay oo dalka Eritrea uu ku tagay, hadaba maxaa sababay in Xasan Sheekh uu dhowrkaan bilood safarro is dabajoog ah ku tago Eritrea?.

Su’aashaas wuxuu Xasan Sheekh kaga jawaabay wareysi uu siiyey TV-ga Qaranka Eritrea, isagoo yiri “Waxaan halkaan u imid in aan warbixin ka siiyo madaxweynaha Eritrea isbedellada iyo horumarka ka socda Soomaaliya, isla markaana aan weydiino wixii talooyin ah sidii horey loogu sii wadi karo xoreynta argagaxisada ee dalkeena.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Eritrea ku ammaanay doorka ay ka qaadatay arrimaha Soomaaliya, isagoo sheegay inay Eritrea samaysay wax dalal yar ay ka sameeyeen Soomaaliya.

Waxaa la rumeysan in madaxweyne Xasan Sheekh uu Eritrea ku tagay in kabadan safarrada uu ku tagay dalalka kale ee caalamka muddo xileedkiisan.

Safarkaan dambe ee hadda uu ka soo laabtay Xasan Sheekh waxaa la sheegay in Afwarki ay ka wadahadleen xiisadda Itoobiya, maadaama labada dalba ay cadowgooda koowaad u arkaan Itoobiya.

Sidoo kale waxay Xasan iyo Afwerki aad u gorfeeyeen sidii ay u sii xooji la haayeen xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Eritrea oo dano badan wadaaga.

Ciidamada ugu badan ee Soomaaliya tababarka ugu maqan waxay joogaan dalka Eritrea, taasi waxay keentay in Xasan Sheekh uu kalsooni badan u qaado dalkaas oo noqday wadanka ugu badan ee safar uu ku tegay intii uu joogay xukunka.