Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay ku hoyday magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya ayaa kulamo xasaasi ah ka wada gudaha magaaladaas, xilli ay halkeedii tahay xiisadda badda.
Xasan Sheekh oo Addis Ababa shirka Midowga Afrika ayaa xalay si gooni ah u qaabilay safiirada dalalka Jaamacadda Carabta u jooga Ethiopia, wuxuuna kala hadlay arrimaha gobolka Geeska Afrika iyo caalamka intiisa kale.
Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyay, ugana mahadceliyay safiirada dalalka Jaamacadda Carabta ee Ethiopia garab istaagga dhabta ah iyo taageerada ay u muujiyeen Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ku guulaysatay inay noqoto dalka kaliya ee ka socda Bariga Afrika ee u sharaxan mid ka mid ah kuraasta aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee muddo xileedka 2025-2026.
Sidoo kale waxaa kulankan waxaa madaxweyne Xasan Sheekh kala qayb galay qaar kamid ah xubnaha wafdigiisa oo uu ugu horeeyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac iyo Danjiraha JFS ee dalka Ethiopia Mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa.
Kulamada ayaa sii socon doono, ayada madaxweynuhuna uu sii joogi doono Addis Ababa, maadaama ay u dhiman yihiin shirar kale oo uu uga qayb-galayo magaaladaasi.