Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray Magaalada Antalya ee Dalka Turkiga si uu uga qaybgalo madasha diblumaasiyadda ee lagu qabanayo Magaaladaas oo ay ka qaybgalayaan mas’uuliyiin lagu casuumay.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muddada uu joogo Dalka Turkiga waxa uu la kulmayaa Madaxda Dalkaas oo ay kawada hadlayaan xaaladaha labada Jamhuuriyad iyo garab istaagga Xukuumadda Ankara ay siiso dhiggeeda Muqdisho.
Sanadba sanadka ka dambeeya marba heer ayuu gaarayay waxaana ugu dambayn Turkigu uu Soomaaliya u tababaray ciidamo gaar ah oo isugu jira Kumaandoos iyo Booliis, waxaa ugu dambeeyay heshiiskii dhinaca Difaaca & Dhaqaalaha oo Ankara mas’uuliyad ka saaraya amniga iyo tababarka ciidamada Badda Soomaaliya.