Xasan Shiikh oo baajiyay Safar uu ku tagi lahaa Dal ka tirsan Yurub

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ah ayaa baajiyay socdaal uu ku tagi lahaa dalka Sweden, sababo la xiriira Visaha Dal ku galka ah oo la diiday in lagu shabadeeyo ama lagu dhejiyo Baasaboorkiisa Diblomaasiga.

Wararka ayaa sheegaya Safaaradda Sweden ku leedahay Tanzania ay diiday inay ku dhifato Baasaboorkiisa Diblomaasiga Visaha dal ku galka, maadaama aanay aqoonsaneyn Baasaboorka Soomaaliga

Sidoo kale Madaxweynihii hore Xasan Sheekh ayaa ku adkeysanaya in Baasaboorkiisa lagu dhifto Viisaha dalka ku galka, halka Safaaradda Sweden ku leedahay Tanzania ay diiday, waxaana taa bedelkeed u ogolaatay waraaq dal ku gal ah.

Xasan Sheekh iyo wafdi xildhibaano ah ayaa ka qeyb gali lahaa shir ka dhacaya Sweden oo ay ku casuuntay Hey’adda Caalamiga ee Olof Palmes oo ah urur aan dowli aheyn oo ku xiran Xisbiga Shaqaalaha Sweden.

Inta badan dalalka Scandanavian-ka ayaa aqoonsaneyn Baasaboorka Soomaaliga, tan iyo markii ay dhacday dowladdii dhexe sanadkii 1991.