Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo Xafiiskiisa kula kulmay safiirka Turkiga+Sawiro

Booqasho uu ugu kuur galayay howlaha Xeer ilaalinta Qaranka Soomaaliya ayuu ku tagay Safiirka Dowladda Turkiga olgan Bakar Xafiiska Xeer ilaalinta Guud ee Qaranka Soomaaliya, waxaana ku soo dhoweeyay Xeer ilaaliyaha Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir oo uu wehliyo ku-xigeenkiisa koowaad Dr.Muuse Macallim Maxamed.

Safiirka Turkiga Soomaaliya Mr.olgan Bakar,Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir iyo Ku-xigeenkiisa ayaa kullan oo ay Arrimo muhiima kaga wada hadleen wada qaatay.

Safiirka Turkiga ayaa kullanka kadib waxa uu booqday xafiisyada Xeer ilaalinta ay ku shaqeeyaan, waxaana warbixin ku aadan habka howsha loo qabto siiyay Xeer ilaaliyaha Qaranka Dr Axmed Cali Daahir.

ku-xigeenka Koowaad ee xeer ilaaliyaha Qaranka Soomaaliya Dr. Muuse Macalin Maxamed ayaa ka hadlay Booqashada Safiirka Turkigu ee xafiiska Xeer ilaalinta iyo kulanka ay la qaateen

“ Waxay ahayd booqasho caadi ah oo safiirka uu ku yimid Xafiiska Xeer ilaaliyaha  Guud ee Qaranka,aadaan runtii u soo dhoweynay inkastoo xafiiska aad ugu mashquulsan yahay Waajibaadka iyo howlaha dastuuriga iyo kuwa qaanuuniga ee saaran,waxayna noo ahayd booqasho iyo kullan gaar ah oo aanla yeelanay safiirka, ujeedka safiirkana wuxuu ahaa inuu u kuur galo, arko,la kulmo goobta uu ku shaqeeyo xafiiska xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka,” Ayuu yiri ku-xigeenka koowaad ee xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Muuse Macalin Maxamed.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Soomaaliya Dr. Axmed Cali Daahiir ayaa Gudoonsiiyay bilad sharaf Safiirka Turkiga Olgan Bakar oo ugu mahad celiyay Walaalaha Turkiga Garab istaagooda Soomaaliya.