XFS oo ka hadashay sababta dadka qaar ay garsoor ugu doontaan Shabaab

Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa wuxuu sheegay in shacabka Soomaaliyeed cabsi darteed ay garsoor ugu doontaan Al Shabaab.

Wuxuu sheegay masuuliyadda muwaadinka Soomaaliyeed ka saaran dowladda inay tahay in ammaankiisa ay sugto, muwaadinka isagana laga doonayo inuu naftiisa masuul ka noqdo oo uusan u tagin marka ay Shabaab u yeeraan.

Ra’iisul wasaare kuxigeenka oo wareysi siinayay warbaahinta ayaa sheegay Al Shabaab in aysan ka shaqeyn cadaalad, balse shacabka ay u tagaan cabsi ay ka qabaan darteed, marka laga soo waco telefoonada ay wataan.

Baarlamaanka federaalka, mucaaradka dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ayuu sheegay in arrintan ay masuuliyad ka saaran tahay keliya aanan xukuumadda lagu dhaliil karin, wuxuuna ku baaqay in hawshan si wadajir ah looga wada shaqeeyo.

“Marka ugu horeysa yaa leh dhaliisha ah Al Shabaab garsoor yaan loo tagin ama haloo tago, Al Shabaab marka ay ku soo wacaan masuuliyadda dowladda ka saarsan waxa weeye inay ammaankaada ilaaliso, qofkana waxaa laga doonayaa inuu iska diido, baarlamaanka iyo shacabka Soomaaliyeed ayay masuuliyad ka saaran tahay arrintan sidii wax looga qaban lahaa.” Ayuu yiri R.W kuxigeenka.

Dad badan oo ku nool magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka ayaa garsoor u raadsada maxkamadaha Al Shabaab ay ku leeyihiin gobolada dalka, iyada oo ay jiraan degaanada ay degan yihiin inay ka shaqeeyaan maxkamado.