XFS oo maanta dhagax dhigtay laanta socotada Booliska Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya Salax Axmed Jamac ayaa maanta dhagax dhigay laanta socotada Booliska Soomaaliyeed oo hoy u noqon doonta askarta u kala socdaali doonta gobollada dalka iyo kuwa tababarka ku jiro.

Dhagax dhiga waxaa Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ku wehlinayay Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya  S/Guuto Sulub Axmed Firin.

Ugu horeyn Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya  S/Guuto Sulub Axmed Firin ayaa masuuliyiinta faahfaahin buuxda ka siiyay Shaqada ay qaban doonta laanta socotada Booliska Soomaaliyeed isaga oo ku dheeraaday sidey muhiim u tahay xaruntaan.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa dhankiisa Laamaha amniga ku booriyay dadaalkooda ku aadan hirgalinta  Xaruntaan, oo maanta loo joogo dhagax dhiggeeda.

Ugu danbeyn waxaa munaasabadda dhagax dhiga laanta socotada Booliska Soomaaliyeed waxaa ka hadlay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS Salax Axmed Jamac waxaa uuna hoosta ka xariiqay in qofkasta lagu xasuusan doona wax qabadkiisa inta uu shaqada qaranka haayo.