“Xidig Weyn Ayaa Baxaya, Blase Qof Weyn Ayaa Joogaya” Jose Mourinho Oo Sagootin & Soo Dhaweyn U Sameeyay Michael Carrick.

Tababare Jose Mourinho ayaa si fiican u sharfay ciyaariyahanka kasii baxaya garoomada kubadda cagta ee Michael Carrick kaas oo maalmahiisii ugu dambeeyay la qaadanaya kooxdiisa Red Devils.

36-jirka heerka caalami ee qaranka England ayaa ku dhawaaqay inuu dhamaadka fasal ciyaareedkaan ka fariisan doono ciyaaraha isla markaana uu ka mid noqon doono mid ka mid ah shaqaalaha tababarka ee kooxda.

Jose oo aad uga xun inuu weynayo xidig weyn sidoo kalana ku faraxsan inuu kursiga keydka ku helayo shaqi weyn ayaa hadal quruxsan ku yiri intii ay socotay xafladii lagu bixinayay abaalmarin sanadeedka Man United.

“Waa inaan qiraa in mid ka mid ah waxyaabaha ugu adag ee 18-ka sano aan macalinka ahay ay tahay xidig weyn oo baxaya, mar walba waa mid murugo leh” ayuu yiri Jose Mourinho oo ka hadlayay xafladii xalay ee abaalmarin sanadeedka Man United.

“Balse markaan waxaan isku dayeynaa inaan sameyno hab aan murugo ku dareemeynin – xidig weyn ayaa baxaya, waxaana nala joogaya shaqsi weyn”

 “Waxaan u heynaa boos, waxaan kusoo dhaweyn doonaa gacmo furan, ka hor intaas, wali waxaan dooneynaa inuu Michael ciyaaro kadibna maalinta xigta uu sisiyo caruurtiisa siiyo kabaha”

Michael Carrick ayaa dhameystay 12-xilli ciyaareed isagoo ka tirsan Man United, wuxuuna helay waqtigaas shan koob oo Premier League ah, hal jeer oo Champions League ah sidoo kalana wuxuu fursad u heystaa inuu FA Cup ku daro hadii ay ka guuleystaan Chelsea.