Waxaa guuldaraystay qorshihii safarka looga baajin lahaa Ciyaartoyda Xulka Kubadda Cagta Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed oo dhibaato kasoo gaartay weerar dhagax-tuur ah oo lagu sameeyay 12kii Janaayo 2024 kaddib markii ay kasoo laabteen garoonka Cayaaraha Muqdisho oo kulan adag kala hortagay dhiggooda Dowlad-Goboleedka Galmudug.
In ka badan 24 saac waxaa lagu howlanaa sabarsiinta xulka Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ee dhibaatada loo gaystay waxaana booqday Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Federaalka, Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta & shakhsiyaad kale si loogu qanciyo in ay sii joogaan caasimadda isla markaana kusii jiraan tartanka.
Wasaaradda Dhalinyarada & Cayaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya & Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta ayaa horay u shaaciyay in muddo saddex cisho ah la hakiyay tartanka Dowlad-Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir balse markaas waxa ay rajo ka qabeen in ciyaartoyada Koofur Galbeed lagu qanciyo sii joogtista Muqdisho.
Xubnaha Guddiga sida gaarka ah u maamulaya Tartankaan ayaa lagu wadaa in uu fadhi gaar ah ka yeesho arrintaan iyo qorshaha laga yeelayo tartanka socda balse Xulka Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed isaga-baxeen inkasta oo aan la saadaalin Karin in ay dib ugu soo laaban karaan iyo in kale maadaama wadahadalladu aanay laga quusan.