Xiisad Colaadeed Oo ka taagan deegaano katirsan Galgaduud

Wararka Warbaahintu  ka heleyso degaanka Xananbuure ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta halkaasi ay ka taagan tahay xiisad dagaal oo u dhaxeysa laba maleeshiyo Beeleed oo ku wada sugan degaankaas.

Labada maleeshiyo Beeleed oo Xoolo Dhaqato ah ayaa ku muransan Barkado laga qodayo degaankaasi Xananbuure,waxaana dadka degaanka ay sheegayaan inay Maanta ka cabsi qabaan in uu dhaco dagaal dhex-mara labada maleeshiyo Beeleed.

Dad ku sugan degaanka Xananbuure ayaa waxaa ay sheegeen in khilaafka labada Beelood in uu xoogeystay, kadib markii la dhaawacay laba Nin oo daaqadaha lagsa soo toogtay,waxaana shalay degaankaasi gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Nabadsugida Qaranka, kuwaas oo wada dadaalo xal looga gaarayo arrintaas.

Dhowrkii bilood ee la soo dhaafay ayaa waxaa degaannada Galmudug kusoo kordhay dagaal Beeleedyada ,waxaana jira kuwo xal laga gaaray iyo kuwo aan lagu guuleysatay.