Xiisad Dagaal Oo Kataagan G/Sanaag

Wararka saakay laga helayo deegaano hoostaga Magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas ay ka taagan tahay xiisad dagaal oo u dhexeeysa Ciidamo ka tirsan maamulka Soomaaliland iyo kuwa Jabhadda Caarre.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in xiisadan dagaal ay timid kadib markii shalay dagaal Khasaaro geystay uu dhexmaray Ciidamada Somaliland iyo kuwa Jabhadda hogaamiyaha uu ka yahay Korneyl Siciid Cawil Jaamac (Caarre).

Sidoo kale Ciidamo ka tirsan Jabhadda Caarre ayaa ka guuray fariisimo ay ku lahaayeen deegaano ka tirsan Ceerigaabo,isla markaana u guuray degaan Cusub oo uu ku yaallo halkaas.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in dadka deegaanka ay cabsi ka qaban in mar kale dagaal uu dhexmaro labada dhinac,kadib markii shalay halkaas uu ka dhacay dagaal oo lagu dhaawacay Askari ka tirsan Somaliland.

Ciidamada maamulka Soomaaliland iyo kuwa Jabhadda hogaamiyaha uu ka yahay Korneyl Siciid Cawil Jaamac (Caarre) ayaa dhowr jeer ku dagaalamay deegaano ka tirsan Gobolka Sanaag,waxaana ka dhashay Khasaarooyin kala duwan.