Xiisad ka taagan Degaanka Tukaraq

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, dhaqdhaqaaq ciidan ayaa laga soo sheegayaa deegaankaasi oo u dhaxeysa ciidamada Somaliland iyo Puntland.

Wararka waxa ay sheegayaan labada dhinac inay ciidamo dheeraad ah geeyeen deegaanno ku dhaw Tukaraq, sidoo kalena dhufeyso ayaa la sheegayaa in aagga Tukaraq ciidamada ay ka diyaarsadeen.

Ciidamo badan oo ka tirsan kuwa Puntland ayaa lasoo warinayaa inay gaareen deegaanka Holhol ee Gobolka Sool, iyadoo bulshada yar ee deeganadaasi ku sugan ay dareemayaan cabsi xooggan oo ku aadan in dagaal uu qarxo.

Waxgaradka gobolka Sool ayaa ku guul darreystay iney Labada dhinac xabad joojin ku qanciyaan, sababtoo ah dhan walbo wuxuu sheeganayaa lahaanshiyaha deegaanka Tukaraq.

Xaaladaan kacsan ee saaka lagu soo waramaayo inay ka taagan tahay deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, ayaa ah mid walaac cusub abuureysa, maadaama dhinacyada halkaasi isku haya dhawr mar baaq nabadeed loo diray.

Deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, ayaa waxaa gacanta ku haaya ciidamada Somaliland oo goor hore ka qabsaday ciidankii Puntland ee halkaasi ku sugnaa