Xiisad ka taagan magaalada hargaysa.

Waxaa saacadihii u dambeeyay isa soo tareysay xiisad xooggan oo ka dhalatay banaynta dhul laga dhigayo xarunta degmada 26 Juune ee magaalada Hargeysa.

Dhulkan oo hadda suuq ay ku ganacsadan u ah ganacsatadii uu ka gubtay suuqa Waaheen, ee weli dhismihiisu qabyo yahay, ayaa waxa uu maamulka dowladda Hoose ee Hargeysa u asteeyay in laga dhiso xarun degmo.

Xiisaddan ayaa sidoo kala gaartay heer in la xiro Xildhibaanno ka tirsan Golaha deegaanka Hargeysa, kuwaasi oo kasoo horjeestay go’aanka dadka looga saarayo dhulkaasi, inkasta oo markii dambe lasoo daayay.

Sidoo kale wuxuuu aad uga gil-gilshay in dadka ku ganacsada dhulkaasi lagu soo rogo amar, halka loo yeeri lahaa oo lala fariisan lahaa, “Waa canshuur bixiyayaal ee ma aheyn in amar la siiyo oo guura la yiraahdo.”