Xiisad Kadhalatay Askari lagu dilay Beledweyne Oo Xal laga Garaay

Maalmihii la soo dhaafay waxaa socday kulamo looga hadlayay sidii xal looga gaari lahaa xiisad ka dhalatay Askari askari kale ku dilay Gudaha Magalada Baladweyne,waxaaana xiisadaas ay u dhaxeysay maleeshiyad kasoo kala jeeda labada Askari kan wax dilay iyo kan la dilay.

Xalinta xiisadaas ayaa waxaa waday xubno uu ka mid yahay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Muxumed Caraale iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle Cusmaan Barre Maxamed,waxaana ugu dambeyn ay ku guuleysteen inay soo afjaraan.

Gudodomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Muxumed Caraale ayaa isku keenay labadii beel ee ay shaqaaqada ka dhax taagneyd waxana odayaasha dhaqanka labada dhinac ay shaaciyeen in ay qaateen nabad galyo iyo tanaasul.

Guddoomiyaha ayaa uga mahad celiyay Odayaasha & waxgaradka labada beelood oo ay Shaqaaqada u dhaxeysay sida ay nabada u qaateen,waxaana uu ugu baaqay inay muhiim tahay adkeynta iyo nabad ku wada noolaanshaha.

Xiisada u dhaxeysay labada beelood ee maalmahaan ka taagneyd Baladweyne ayaa siweyn loo dareemay,waxaana jirtay cabsi ku aadan inay wada dagaalamaan,hayeeshee mas’uuliyiinta Maamulka hir-Shabeelle ay ku guuleysteen inay xaliyaan.