Waxaa mar kale dib usoo cusboonaaday xiisadda doorashada ee Somaliland oo ay wlei isku hayaan xubnaha mucaaradka iyo sidoo kale xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, taas oo horay dib u dhaca uu ugu yimid.
Musharraxa xisbiga mucaaradka ee Wadani, Cabdiraxmaan Cirro oo war cusub soo saaray ayaa sheegay inay dalbanayaan in la qabto doorashada, si aysan mar kale dib ugu dhicin.
Cirro ayaa shaaca ka qaaday inay doonayaan doorasho nabad ah, si looga digtoonaado qalalaase horleh oo ay gashaa Somaliland, maadaama ay jiraan xaalado adag.
Waxaa kale oo uu soo hadal qaaday dhibaatooyinka ka jira Somaliland, isaga oo tilmaamay in deegaan kasta ay gaartay sida uu hadalka u dhigay.
Cabdiraxmaan Cirro oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in haatan ay Somaliland u baahan tahay badbaado, isla markaana la ilaaliyo dhammaan xuduudaheeda.