Waxaa xiisad dagaal ay weli ka taagan tahay deegaano ka tirsan Gobolka Sanaag taas oo u dhaxeeysa Maamulka Puntland iyo Soomaaliland.
Xiisadaas ayaa ka dhalatay kadib markii Soomaaliland ay ciidamo farabadan geysay deegaanka Yubbe ee Bariga Gobolla Sanaag,waxaama geynta ciidamadaas ka carooday Madaxda Puntland.
Shalay ayaa sidoo kale waxaa Ciidamada Soomaaliland ay la wareegeen deegaanka Hadaaftimo ee Gobolka Sanaag xilli ay halkaasi dadka Shacabka ah ay dhigayeen banaanbaxyo ay uga soo horjeedeen Ciidamada soo galay deegaano ka tirsan gobolka Sanaag
Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Puntland dhankeeda ay Ciidamo geysay,sidoo kalena ay mas’uuliyiin tageen deegaanada Dhahar, Xiingalool iyo Badhan ee Gobolka Sanaag.
Dad ku sugan deegaanada Bari ee Gobolka Sanaag ayaa waxaa ay Warbaahinta u sheegeen inay dareemayaan cabsi ballaaran oo ku aadan in ay halkaasi ku wada dagaalamaan Ciidamada Soomaaliland iyo kuwa Maamulka Puntland.
Madaxda Puntland iyo Soomaaliland qaarkood ayaa hawada isku mariyey hadalo xiisada sii huriyey,waxaana Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi deni uu Soomaaliland ku eedeeyey inay wado daandaansi,isla markaana ay iska difaaci doonaan.