Xildhibaan Aadan Barre Ducaale Oo Baaq Siyaasadeed U Diray Mujtamaca Soomaalida Kenya

Xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo aqlabiyad weyn ku dhex leh Barlamaanka Kenya aya ka codsaday ragga Soomaalida ku nool dalkaasi inay sababo dhinaca siyaasadeed awgeeda u guursadaan dhowr xaas, si loo kobciyo galaangalka Siyaasadda ee Mustaqbalka.

Xildhibaanka oo laga soo doorto magaalladda Garissa ee W/bari Kenya ayaa hadalkaasi ka  sheegay Bandhig Dhaqameed ka dhacay Xaafadda Eastleigh ee magaalladda Nairobu, wuxuuna ku taliyey inay ragga Soomaalida Kenya guursadaan wax ka badan hal xaas, su ay u yeeshaan tiro ugu yeeshaan Xilalka Siyaasadda.

Wuxuuna si cad ah u sheegay inuu Sharciga Islaamka u fasaxayo iyaga inay guursadaan wax ka badan hal xaas

“Muslim ahaan, waxaa muhiimad naloo siiyey inaan guursano ilaa 4 Xaas, si aan u soo saarno carruur badan sida ugu suurtogalsan” ayuu yiri Aadan Barre Ducaale.

Waxa uu intaasi ku daray inay ka shaqeyn doonaan Siyaasadda xilliga Cod-bixinta, si looga saro maro kuwo kale.

Si kastaba ha ahaatee, Mujtamaca Soomaalida ku nool W/bari Kenya waxay ka mid yihiin Qowmiyadaha laga tirada badan yahay ee ku nool dalkaasi, kuwaasi oo aan Galaangal Xooggan ku lahayn Siyaasadda iyo Haykalka Dowladeed.