Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore Oo lagu dilay Muqdisho

Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa goor dhow lagu dilay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir sidda ay warbaahinta u xaqiijiyeen Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka.

Dilka Xildhibaanka ayaa waxaa ka dambeeyay Kooxo ku hubeysan Bastoolado oo watay gaari nooca raaxadda ah, waxaana la sheegay in ay weerareen gaari uu watay Xildhibaanka.

Xildhibaan Boqorre ayaa Muddo dheer kusoo jiray Golaha Shacabka, waxaana uu ahaa shaqsiga ugu da’da weyn Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Wuxuu soo noqday guddoomiye ku xigeenka barlamaanka.