Shalay intii lagu guda jiray Kulankii Golaha Shacbaka ee natiijo la’aanta kusoo dhamaaday ayaa Xildhibaan Cabdullaahi goodax Barre waxa uu Xildhibaanada qaar ku tilmaamay inay la Shaqeeyaan Al-Shabaab.
Wasiir Goodax ayaa si live ah ugu eedeeyey Xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmad in uu la Shaqeeyo Al-Shabaab,hayeeshee waxaa eedeyntaas ka jawaabay Xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmad.
Waxa uu sheegay in xildhibaanka in falkaas lagula kacay uu yahay dhaqan xumo weyn,isla markaana Shacabka dhegahooda ay maqleen war aan wanaagsaneyn oo uu uga tacsiyadeynayo.
Gudiga anshaxa Barlamaanka Soomaaliya ayuu sheegay in ay u gudbin doonaan,isla markaana iyaga oo Xildhibaano dhowr ah ay looyaro qabsadeen dacwadna ay ka gudbin doonaan Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre.
“Waxaan meel ku saari karnaa kulana xisaabtami karnaa sharciga, ilaa xasaanada laga qaado,kadibna aan maxkamad la tiigsado,sigaar ah ayuu Goodax ii farmuuqay oo dareenkeyga bedelay ayuu yiri Xildhibaanka.
Geba-gabadii waxa uu sheegay in uu Xildhibaanka sigaar ah ula kulmay markii uu ku tilmaamay in uu Shabaab la Shaqeeyo uu weli hadalkiisa kusii adkeysatay,hayeeshee Go’aankooda uu yahay inay Shacriga latiigsado tiigsadaan.