Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya (WBS), Dr. Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan, oo uu wehliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Golaha, Cabdirisaaq Jaamac Warsame (Salgan), ayaa shir guddoomiyay Kal-fadhiga 2-aad, Fadhigiisa 13-aad ee Golaha Wakiillada.
Fadhiga ayaa diiradda lagu saaray saddex ajande oo muhiim u ahaa Golaha, kuwaas oo kala ahaa ansixinta Xeerka La Dagaallanka Maandooriyaha, Akhrinta 3-aad ee Hindise Sharciyeedka Ururada aan Dawliga ahayn (NGO-yada), iyo soo jeedin ku saabsan maamuus ka xayuubinta xubin ka tirsan Golaha Wakiillada.
Mudanayaasha Golaha ayaa cod aqlabiyad leh oo ay oggolaadeen 50 mudane ku ansixiyay Xeerka La Dagaallanka Maandooriyaha, kaas oo lagu xoojinayo dadaallada lagula tacaalayo isticmaalka iyo ka ganacsiga maandooriyaha gudaha Dawladda WBS.
Sidoo kale, Golaha ayaa Akhrintii 3-aad marsiiyay Hindise Sharciyeedka Ururada aan Dawliga ahayn (NGO-yada), iyadoo la raacayo habraaca sharci dejinta ee ku cad Qodobka 80-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada.
Dhinaca kale, Golaha Wakiillada ayaa cod u qaaday soo jeedinta la xiriirtay maamuus ka xayuubinta Xildhibaan Fahiima Yuusuf Quuje, waxaana taageeray 56 mudane, taas oo buuxisay shuruudda saddex meelood laba meel ee xubnaha Golaha, sida uu dhigayo Qodobka 9-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada.
Go’aannadan ayaa qayb ka ah howlaha sharci-dejinta iyo kormeerka ee Golaha Wakiillada Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya, iyadoo la sii ambaqaadayo ajendayaasha horyaalla Golaha.