Xildhibaan Hassan Hersi Hashi oo ka tirsan Golaha Baarlamaanka Galmudug oo maanta booqosha ugu tagay deegaanadii ay kusoo barakaceen dadkii kasoo cararay kooxda Alshabaab

Xildhibaan Hassan Hersi Hashi oo ka tirsan Golaha Baarlamaanka Galmudug ayaa maanta booqosha ugu tagay deegaanadii ay kusoo barakaceen dadkii kasoo cararay kooxaha Alshabaab Degmooyinka iyo deegaanada dhaca Bariga Gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug, Booqashada Xildhibaanka ayaa ahayd mi uu ugu kuurgalayey Xaaladooda Nololeed maadaama ay naftooda kala soo carareen kooxda sila markaasina aysan haysan Hooy, Baad iyo Biyo.

Mudane Hassan ayaa ka dhagaystay Baahiya ay qabaan Dadka, waxa ayna u sheegeen in aysan haysan waxyaabaha nolosha aas-aasiga u ah, waxa ayan ugu mahaceliyeen ka warqabka uu ugu yimid maanta xildhibaan.

Xildhibaan Hassan  ayaa ugu baaqaday Hay,adaha Samafalka ee ku sugan deegaanada Galmudug in Dadkaan kasoo Barakacay Guryahoodii lala soo gaaro Kaalmo Bini-aadanimo, maadaama ay yihiin dadkii mudnaa, Todobaad ka hor ayey ahayd markii Xildhibaanku Golaha Baarlamanka DGG uu warbixin ka siinayey Xaalada amni in ay jiraan dad badan oo kasoo Cararay dhaca iyo dilka ay geystaan kooxaha Nabadiidka.