Xildhibaan iska Casilay Baarlamanka Galmudug

Xilhibaan Shaacir Sheegow oo kamid ah Xildhibaannada Cusub ee Baarlamaanka labaad ee Dowlad Goboleedka Galmudug kana soo galay dhinaca Ahlusunna ayaa ku dhawaaqay in uu Xubinimadii Baarlamaan iska casiley.

Xildhibaanka oo la soo xiriiray Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ayuu ku sheegay in sababo isaga u gaar ah uu isaga casilay Xubinimadii Baarlamaanka Galmudug.

Guddoomiyaha Baarlamaanka labaad ee Dowlad Goboleedka Galmudug ayuu sheegay in uu u gudbiyey is casilaada.

Wuxuu sidoo kale sheegay in Beesha uu ku metelayey kursiga Baarlamaanka Galmudug uu u gudbiyey is casilaada kana aqbaleen,isla markaana ay kursigaas u xusheen Nin uu Magaciisa ku sheegay Axmed Yuusuf Maxamed.

Hoos Ka Akhriso Warqada is casilaada oo uu u gudbiyey Guddoomiyaha Baarlamaanka labaad ee galmudug.