Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka oo Iscasilay

Xildhibaan C/qaadir Gaafoow Maxamuud oo laga soo doorto GalmudugĀ  ayaa iska casilay kursiga Xildhibaanimo ee golaha shacabka sidda ay shaaciyeen Guddiga doorashooyinka.

Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Xaliima Ismail ayaa ku dhawaaqday inay bilaabeen howsha soo buuxinta 3-kursi oo ka bannaan Golaha Shacabka lagu dooranayo Beydhabo iyo Dhuusamareeb.

Kuraastan waxaa baneeyay Agaasimaha NISA Xuseen Cusmaan , Cabduqaadir Gaafow oo is casilay iyo Marxuum Khaliif Cabdullahi Sidda ay sheegtay Xaliimo Yareey.

C/qaadir ayaa la dhashay Taliyihii hore ee NISA C/llaahi Gaafoow, waxana doorashadiisa ka dhashay muran badan oo ugu dambeyn sababtay in Cadaado laga soo wareejiyo oo lagu doorto Muqdisho horaanta sanadkii 2017.