Gelinkii Dambe ayuu gaaray Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud, isaga oo Ka Soo Anba baxay Degmada Guricel Oo horey loogu Soo dhoweeyay.
Xarunta Madaxtooyada Galmudug ee Magalada Dhuusamnareeb ayaa waxaa kulan gaar ah oo soo dhaweyn ah uu xildhibaanka kula yeeshay Madaxda Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Sheekir Cali Xasan.
Madaxda Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xassan ayaa Xildhibaanka uga Mahadceliyay Booqashadii uu ku tegay Deegaanada Galmudug.Sidoo kale waxa uu ku Xildhibaanka ku booriyay in uu ka qeyb qaato midnimada Soomaaliya.
Xildhibaanka Ayaa Dib ugu laabtay Degmada Guricel Oo ay taalo go,gol Uu fidiyay ugaaska Beesha Ceyr.