Xildhibaan Odowaa Oo Ka hadlay Cabsi Katagaan Magaalada Muqdisho..

Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa ayaa sheegay in Muqdisho weli ay ka jirto cabsi ay reebeen weerarradii Al-Shabaab, si gaar ah garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, isagoo ku taliyey in wax badan laga bedelo irdaha laga sugo amniga garoonka.

Xildhibaanka ayaa sheegay in garoonka Aadan Cadde qofkii ka soo dega ee Muqdisho aan aqoon uu dareemayo cabsi xoog leh, isagoo farriin u diray xukuumadda iyo maamulka gobolka Banaadir.

“Qofkii ka soo dega garoonka Aadan Cadde, isagoo ajanebi ah ama Soomaalida aan imaa jirin ah, markii uu arko biraha iyo dhagaxda cabsida muujinaya ee garoonka lagu wareejiyey wuxuu dareemayaa qalqal,” ayuu yiri xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa.

Sidoo kale xildhibaan ayaa soo jeediyey in gudaha caasimada Muqdishi laga mamnuuco qoriga BKM ee Dabajeexa loo yaqaano, maadaama aan looga baahneyn gudaha Muqdisho, taas bedelkeedna uu muujinayo xaalad cabsi ah.

Sidoo kale Xildhibaan Odawaa ayaa sheegay in dhagaxaan badan oo aan loo baahneyn, isla markaana looga maarmay amniga Muqdisho ay yaalaan gudaha Caasimadda.