Xildhibaan oo si cad u diiday qorshaha Wax ka badalka dastuurka.

Waxaa xalay Muqdisho ku shiray 71 Xildhibaan oo ka kala tirsan labada gole ee BFS, kuwaas oo ka hor yimid wax ka bedelka Dastuurka’ iyagoo sheegay in qorshaha socda dadka iyo dalka lagu kala fogeynayo.

Xildhibaanada iyo Senatorrada xalay shiray ayaa cadeeyey in shaqada socota ee wax ka bedelka dastuurka aysan qeyb ka noqon doonin, iyagoo ka digay sida ay wax ku socdaan farriinta u diray madaxweynaha, xukuumadda iyo guddoonka baarlamaanka.

Bayaan ka soo baxay shirka xildhibaanada caawa shiray ayaa lagu sheegay in heshiiskii lagu go’aamiyey in dastuurka wax laga bedelo ee golaha wadatashiga qaranka uu ahaa mid aan loo dhameyn oo Puntiland ay ka maqantahay.

Guddoomiyeyaashii KMG ahaa ee baarlamaanka Senator Maxamed Gaagaab iyo Xildhibaan Cabdisalaan Dhabancad ayaa kulankaan ka hadlay iyagoo sheegay in arrintaan aysan ku taageeri karin madaxweyne Xasan Sheekh, waxayna ugu baaqeen inuu ka joogo jidkaan uu wax ku wado.