Xildhibaan ugeeriyooday Dhaawac Soo gaaray

Waxaa xalay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho ku geeriyooday  Xildhibaan Xasan Cali Xasan oo ka tirsanaa Golaha degaanka Warsheekh, kaas oo uu horay u dhaawacay Guddoomiyaha degmada Warsheekh Xasan Xaaji Maxamed.

Dhaawaca Xildhibaanka ayaa dhacay 19-kii Bishii Setember,xilli guddoomiyaha degmada Warsheekh la barayay sida loo rido ama loo isticmaalo bustoolada.

Maamulka degmada Warsheekh ayaa xaqiijiyey geerida Xildhibaan Xasan Cali Xasan oo mudo laba bilood ah uu la jiifay dhaawaca,isla markaana  Maanta la’aasi doono.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Hir-Shabeelle gaar ahaan  Mamaulka Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa ka tacsiyadeeyey geerida Xildhibaan Xasan Cali Xasan oo ka tirsanaa Golaha degaanka Warsheekh.