Xildhibaanad sheegtay in laga celiyay garoonka diyaaraha muqdisho.

Xildhibaan Sareedo Maxamed Cabdulle oo kamid ah Golaha Shacabka ayaa sheegtay in maanta garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho lagu celiyay xilli ay u safreysay magaalada Baydhabo.

Xildhibaan Sareedo ayaa sheegtay in mid kamid ah askarta uu ka qaaday Tikitkeedii, isla markaasna ay kahartay diyaaradda ay ku qorneyd.

Sareedo ayaa kamid ah xildhibaannada deegaan ahaan ka soo jeeda maamulka Koofur Galbeed, waxaana ay sheegtay in ay howlo shaqo ugu socotay magaalada Baydhabo.

Ma cadda sababta xildhibaanadani safarka looga hor istaagay, ilaa hadda ma jiro ilaa hadda wax war ah oo ka soo baxay laamaha amniga garoonka iyo mas’uuliyiinta maamulka Garoonka Caalamiga ee Aadan Cadde.