Xildhibaanada Aqalka Sare oo maanta ka doodaya arrinta DP World

Xubnaha xildhibaanada Aqalka Sare ayaa maanta waxa uu kulan uga socdaa xaruntooda magaalada Muqdisho, kulanka waxaa fadhiya kooramka loogu tala galay xildhibaanada, waxaana ay ka hadlayaan heshiiska DP World ee Dekeda Berbera.

Dood Kulul oo ay shalay yeesheen Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa saacado badan socotay, waxaana kulankaasi uu ku soo dhamaaday natiijo la’aan, iyada oo xildhibaanada ay ku kala dareereen.

Kulankii Xildhibaanada ayaa waxaa hareeyay buuq iyo sawaxan dhaliyay in lagu kala dareero kulanka Aqalka Sare kadib markii la isku khilaafay waqtiga ka doodista qodobkan.

Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa markale maanta bilaabay ka doodida qodobkaasi, sida uu soo sheegayo Wariyaha Idaacadda Risaala ee ku sugan xarunta Golaha Aqalka Sare.

Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maalin kahor loo qeybiyay Xeerkii ay Todobaadkan bilowgiisa meelmariyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka ee ku aadanaa in dalka laga mamnuucay Shirkadda DP World.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sharci daro ku tilmaamay dhammaan heshiisyadii ay shirkadda DP World ka sameysay Soomaaliya, waxaana ay sheegeen in guud ahaan laga mamnuucay Soomaaliya.

Hadii maanta xildhibaanada Aqalka Sare u codeeyaan xeerkii Baarlamaanka Golaha Shacabka, waxa uu xeerkan u gudbi doonaa Madaxweynaha Soomaaliya, iyada oo intaasi kadibna lagu soo saari doono faafinta rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka.

Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalku wuxuu matalaa Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka, wuxuuna leeyahay masuuliyad sharci-dejin.