Xildhibaanada baarlamaanka Galmudug Oo xilkii kaqaday Cali gacal Casir

Xildhibaano fadhigooda uu yahay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug ayaa waxa ay sheegeen inay xilka ka qaadeen guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Galmudug Cali Gacal Casir.

Xildhibaanada kulmay oo tiradooda lagu sheegay 147 xubnood ayaa waxa ay kulan ku yeesheen magaalada Dhuusamareeb, wuxuuna ajandahooda ahaa cod u qaadista mooshinka ay maalmo kahor saxiixeen 89 xildhibaan.

Xildhibaanada ayaa gudoomiye Cali Gacal Casir waxa ay ku eedeeyeen inuu gudan waayay waajibaadkiisa shaqo, islamarkaana uusan soo xaadirin kulamada baarlamaanka oo hawlo kale uu ku mashquulay.

Dood dheer kadib gaba gabada kulanka ayaa xildhibaanada waxa ay cod u qaadeen guddoomiye Cali Gacal, waxaana in codka kalsoonida lagala laabto ogolaatay 146 xildhibaan, halka hal mudane oo keliya uu ka aamusay.

Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee baarlamanka Galmudug Xareed Cali Xareed oo kulanka shir guddoominayay ayaa wuxuu sheegay cod u qaadista in sidaas ay ansax ku tahay, xilkana uu ku waayay Cali Gacal.

Xareed Cali Xareed oo soo xiray kulanka baarlamaanka ayaa xildhibaanada u sheegay in maalmaha soo socda ay soo dhisi doonaan guddiga doorashada gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka Galmudug.

Arrintan ayaa u muuqata mid sii kicineysa khilaafka u dhaxeeya madaxda maamulka Galmudug, maadaama guddoomiyaha la sheegay in xilka laga qaaday uu ka soo horjeestay go’aanka xubnahan ku shiray Dhuusamareeb.