Xildhibaanada baarlamaanka oo maanta kulmaya

Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 17 bisha September 2018 kulan ku yeelanaya magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa xalay lagu wargeliyay inuu jiro kulanka baarlamaanka maanta oo Isniin ah, islamarkaana ajandaha kulanka uu yahay amniga Muqdisho oo faraha ka sii baxaya.

Kulankii ugu dambeeyay ee ay yeesheen guddiga joogtada golaha shacabka ayaa waxa ay sheegeen kahor inta aysan guda gelin sharciyada kale ee horyaalla baarlamaanka inay muhiim tahay inay ka hadlaan ammaanka magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada ayaa maanta waxa ay ka doodayaan amni darada ka jirta magaalada Muqdisho iyo sidii xal loogu heli lahaa, islamarkaana hay’adaha ammaanka loogula xisaabtami lahaa dhacdooyinka amni daro.

Sidoo kale xildhibaanada ayaa waxa ay ka doodayaan kontoroolada ku yaalla agagaarka madaxtooyada oo gaadiidka dowladda ay wataan lagu weydiiyo aqoonsiyo iyada oo askariga fadhigiisa loogu keenayo aqoonsiga si uu u arko, kadibna uu u sii daayo gaariga.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa maalmahan dambe wuxuu noqday mid aan la isku haleyn karin kadib markii habeen kahor Muqdisho lagu dhaawacay xildhibaan Maxamed Mursal Maxamed (Boorow), markii uu ku qarxay gaarigiisa oo loogu xiray miinada nuuca dhejiska.

Dowladda federaalka caqadabad ugu weyn ee dhanka ammaanka ka heysata waa Ururka Al Shabaab iyo kooxda Daacish oo dharaar cad dilal toos ah magaalada Muqdisho ugu geysta cida ay doonaan, iyada oo ay shaqeynayaan hay’adaha ammaanka.