Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya Oo maanta ka doodaya Hindise Sharciyeedka Maamulka iyo Maaliyadda

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta lagu waddaa in ay yeeshaan kulan looga hadlaayo Hindise Sharciyeedka Maamulka iyo Maaliyadda (PFM) .

Hindise Sharciyeedka Maamulka iyo Maaliyadda (PFM) ayaa soo maray akhrinta koowaad,waxaana Maanta la filayaa in Xildhibaanada Golaha Shacabka ay marsiiyaan akhrinta labaad.

Xildhibaanada ayaa xalay lagu wargaliyay in ay soo xaadiraan kulanka Baarlamaanka maanta.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa lagu waddaa in uu shir guddoomiyo kulanka xildhibaanada Golaha Shacabka.