Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya Oo Magacaabaya Guddiga doorashadda Gudoomiyaha Golaha Shacabka

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta lagu waddaa in ay kulan ku yeesheen xarunta Golaha Shacabka, islamarkaana ay ka hadlaan qodobo dhowr ah.

Qodobadda maanta Xildhibaanada Baarlamaanka ay ka hadli doonaan ayaa waxaa ka mid ah Magacaabista Guddiga doorashadda Gudoomiyaha Golaha Shacabka.

Guddoomiyihii Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa 9-kii bishan April iska casilay xilka Guddoonka, sida xeerka Baarlamaanka uu dhigayana ay waajib tahay in booskaas lagu buuxiyo mudo 15 maalmood ah.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka bilowday Olole Doorasho oo qaar ka ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay ugu jiraan sidii ay u raadin lahaayeen xilkii uu baneeyay Gudoomiye Jawaari.