Xildhibaanada Galmudug oo dood ka yeelanaya mooshinka guddoomiyaha baarlamaanka

Xildhibaanada baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa maanta waxa ay kulan ku yeelanayaan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud, sida ay inoo sheegeen mudanayaal ka tirsan baarlamaanka.

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa xalay lagu wargeliyay in maanta oo Arbaco ah uu jiro kulanka baarlamaanka, islamarkaana ajandaha kulanka uu yahay ka doodista mooshinka ka yaalla guddoomiyaha baarlamaanka.

Mudanayaal gaaraya 89 ayaa waxa shalay mooshin xilka qaadis ah u gudbiyeen guddoomiye ku-xigeenka Koowaad Xareed Cali Xareed, waxayna tilmaameen inuu shaqadiisa gabay guddoomiyaha baarlamaanka Cali Gacal Casir.

Guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa wuxuu sheegay mooshinka dadka gudbiyay in aysan aheyn xildhibaano, balse ay yihiin dhalinyaro xaafadaha laga soo uruuriyay.

Wararka aan ka heleyno magaalada Dhuusamareeb ayaa waxa ay sheegayaan in xalay xildhibaanada baarlamaanka ay kulamo gaar gaar ah ku yeelanayeen magaalada Dhuusamareeb oo ay kaga hadlayeen mooshinka yaalla.