Xildhibaanada Golaha Shacabka Oo Maanta Kulan Yeelanaya

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 22-ka bisha Octoober 2018, waxa ay kulan ku yeelanayaan Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Ajendaha kulanka Xildhibaanada Baarlamaanka maanta ayaa waxa uu yahay aqrinta labaad ee hindise sharciyeedka wax ka badalka hanti dhowrka guud ee Qaranka.

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa xalay loo diray fariimo ku aadan in maanta uu jiro kulanka Golaha Shacabka,kaasi oo Ajendihiisu yahay aqrinta labaad ee hindise sharciyeedka wax ka badalka hanti dhowrka guud ee Qaranka

Ammaanka Xarunta Golaha Shacabka ayaa saakay aad loo adkeeyay,iyadoona Ciidamada amniga ay xireen Wadooyinka soo gala iyo kuwa kabaxa Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.